Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo saaka ka taagan duleedka Godinlabe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi, gaar ahaan duleedka deegaanka Godinlabe.

Xiisada oo u dhexeyo labo maleeshiyo beeleed ayaa salka ku heyso muran ka dhashay Baraago biyo laga cabo oo ku yaalla tuulada Baallo oo hoostagta Godinlabe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in xiisaddu ay kasii dartay, kadib markii labo qof oo shacab ahaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka dhaco duleedka deegaanka Godinlanbe ee gobolka Galgaduud.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this