Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Maraykanka oo shaaciyay in Maxamed Bin Salman uu amray dilkii Khashoggi

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in la soo qabto ama la dilo weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Maraykanka oo shaaciyay in Maxamed Bin Salman uu amray dilkii Khashoggi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this