Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amaanka oo cunaqabateeyay Saraakiil sare oo ka tirsan Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyay cunaqabateyn lagu soo rogay 3 hogaamiye oo ka tirsan Ururka Al Shabab, kadib codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka.

Golaha Amaanka ayaa liiska xayiraadka ee Qaramada Midoobay ku daray Abuukar Cali Aadan, Maalin Ayman iyo Mahad Karatey oo dhamaantood ka mid ah Ururka Al Shabaab.

Go’aanka Golaha Amaanka ayaa yimid maalmo kadib markii Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay dalbadeen in 3-da hogaamiye lagu daro liiska xayiraadka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, Erica Barks oo ah mas’uul sare oo ka tirsan Waaxda Arimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Erica Barks ayaa ku eedeysay in hogaamiyeyaasha la cunaqabateeyay ay mas’uul ka ahaayeen weeraro dhiig ku daatay oo ka dhacay Dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ay shaacisay in go’aanka Golaha Amaanka uu yahay mid muhiim ah oo loo qaaday dhabaha xasiloonida iyo nabadda Dalka Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah Dalalka inta badan ka caawiya Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii looga adkaan la haa Kooxda Al Shabaab oo weli gacanta heysa Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this