Deeq A. Posted February 26, 2021 Ciidamada qaranka Somaliland marna laga yeeli kari maayo in ay ku kacaan shoobaro keeni kara inay seddex shayba waxyeelaan, kuwaasi oo kala ah:- * Sumcada qaranka ay dhiigooda u hibeeyeen. * Xabad ay ku ridaan ama qori ay ku fiiqaan saraakiishooda. * Iyo inay dhexdooda is rasaaseeyaan. Hogaanka ciidanka qaranka isna ka yeeli mayno in uu dayaco naftood hurayaasha fadhiya dhufaysyada cadowga lagu horjoogo ama nabada dhexdeena ah lagu xoojinaayo, waxana haddii uu xilkaa gabo looga fadhiyaa Taliyaha guud ( Commander in chief). Qaranka ahna, madaxweynaha Somaliland, mudan Muuse Biixi Cabdi inuu degdeg wax uga qabto. Somaliland waxyaabaha sy.ku dhaanto deriskeeda waxa ugu horeeyay ciidan qaran oo kala danbeyn leh. Waxa qoray Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Source Share this post Link to post Share on other sites