Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka falceliyay weerarkii ciidamo ka tirsan booliska ku burburiyeen Dugsiga Hoyga Xamar.

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomalia ayaa kasoo jawaabay dhacdo ciidamo katirsan booliska soomaaliya ay ku bur buriyeen qeybta dhismaha xanaanada caruurta dugsiga hoyga xamar ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa usoo wakiishay taliyaha booliska soomaaliyeed inuu wax ka qabto dhacdada lagu beegsaday Hoyga Xamar oo ku yaala agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim degmada Hodon ee gobolka Banaadir

xubno kasocda daladda FPENS maamulka gobolka kan degmada Hodon oo kusoo baxay dhibaatada loo geystay dugsiga Hoyga Xamar ayaa ku tilmaamay wax laga xumado.

taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed jeneraal Maxamed Xasan Xjaar oo tagay dugsiga Hoyga Xamar ayaa tilmaamay in wax laga qaban doono askartii katirsaneed booliska ee burburinta kula kacay dugsiga Hoyga Xamar isagoo sheegay in aan loo soo marin habraac sax ah.

maamulaha dugsiyada hoyga xamar ustaad Shaacir ayaa ka mahad celiyay sida dowlada Federaalka Soomalia ay uga jawaabtay weerarkii gardarada ahaa ee lagu soo qaaday dhismaha dugsiga oo ah mid danguud ah.

gudoomiyaha Cabdiraxmaan Dhageey ayaa soo dhaweeyay fal celinta Madaxweynaha iyo rai’isul wasaaraha iyo sidoo kale taliyaha booliska weerarkii lala beegsaday dugsiga hooyga xamar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this