Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Heshiiskii Villa Somalia iyo Mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

War kaso baxay xafiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiski ay Muqdisho ku wada gaareen Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda xilka gaarsiinta ee Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in lasii waddo qodobada dhiman ee heshiiska si loo dhameystiro, waxaana ay ku baaqday in loo gudbo Mowduucyadda dhiman ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Qaramada Midoobay waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay caawa ku dhawaaqeen  Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan”

Warka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ayaa intaas kusii daray “Qaramada Midoobay waxay ku dhiiri galinaysaa dhammaan ka qayb galayaasha wada hadaladan inay sii wadaan si ay u xalliyaan  mawduucyada kale ee harsan  si ay ku jirto isku tanaasul iyo niyad wanaag”

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay Heshiiskii Villa Somalia iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this