Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo Boolis ah oo burburiyey iskuulka Hoyga Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar culus ku qaaday dhismaha iskuulka Xoyga Xamar, qebtya degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Shabelle oo booqatay xarunta dugsiga Hoyga Xamar oo ay dhigtaan boqolaal arday ah ayaa waxaa ka muuqday burbur xoog leh oo loo geystay dhismaha iskuulka, gaar ahaan qeybta xanaanada oo si gaar ah wax loogu bari jiray caruur badan oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale ciidamada ayaa banaanka soo dhigay agabka waxbarashada ee caruurta, iyaga oo sidoo kale cagta mariyey dhammaan qeybta jiifka ee xanaanada caruurta.

Arrintan ayaa walaac xoogan ku beertay maamulka, macalimiinta iyo ardayda iskuulka Hoyga Xamar oo muddo sanado ah ah deganaa dhismaha lagu weeraray.

Maamulka Dugsiga Hoyga Xamar ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay falkan burburinta ah ee lagu kala kacay qeyb ka mid ah dhismaha iskuulkaasi.

Sidoo kale maamulka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay soo faro-gelisay arrintaasi, islamarkaana ay wax ka qabato boobka lagu hayo iskuulkaasi.

Si kastaba dhacdadan ayaa salka ku heyso dacwo ay laamaha garsoorka dalka u gudbiyeen shaqsiyaad doonaya in dhismaha dugsiga loogu bedalo goobo ganacsi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

154789807_10225446638261723_4898365322651075050_o 154871993_10225446638341725_2723287993126935714_o 155043021_10225446637381701_8018808249582497249_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this