Sign in to follow this  
Deeq A.

Goormee ayuu talaalka Covid-19 soo gaarayaa Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Dr,s Fowyso Abiikar Nuur oo u warrantay warbaahinta ayaa sheegtay in todobaadka 2-aad ee bilawga bisha soo socota dalka uu soo gaari doono tallaalka covid-19 kaasi ee ay soo saartay dowladda UK.

Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegay in helidda talaalkaan ay soomaaliya ka caawineyso hay’adda Caafimaadka aduunka WHO oo soomaaliya ay xubin ku leedahay.

“Waxaan fileynaa in bilawga bisha soo socota uu dalka soo gaaro talaalka covid-19 oo ay naga caawineyso hay’adda caafimaadka aduunka WHO ayay tire wasiir Fowsiyo.

Wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegay in safiirka shiinaha ufadhiya Soomaaliya uu kala shaqeynayo helidda tallaal kale oo ay soo saartay dowladdiisa kaasi oo isna laga isticmaalay dalal badan.

“Qorshaha helidda talaalka Covid-19 waxaan soo bilaawnay dhextaalka sanadkii tagay ee 2020 waxaana ka mid nahay dalal badan oo aan awoodin qarashka ku baxaya.

Tan iyo markii dalka laga diwaan geliyaya kiiskii ugu horeeyay covid-19 waxaa uu haleeyay  6,687 waxaa ka bogsootay 3,784 iyadoo tirada dadka ugeeriyooday ay gaartay 223.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this