Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadu waxay qirtay inay Dambi galeen 19.2.2021, Iyo in la baaro cida Amarka bixisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Heshiiskii caawa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho wuxuu ku yimid kadib markii uu Raysal wasaaraha KMG uu aqbalay inay qiranayaan Falkii ay geysteen Jamcadii 19febaraayo, ayna Shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaan oo Raali galinta ka bixinayaan In Falkaas ay Ciidamada Dowladu u geysteen Mudharixiinta iyo taageerayaashooda, Wuuna aqbalay Raysal wasaaruhu sida ku cad Heshiiska.

Siyaasi ruugcadaa Soomaaliyeed ah ayaa sidaan yiri..,

  • Mar hadii Xukuumadu (Villa Soomaaliya) ay Raali galin bixisay ayna sheegeen iney ka xunyihiin isla markaasna ay ka tacsiyeeyeen falkii dahacay 19/2,2021, waxay qirteen Dambiyadii ay lagu eedeynayay ee Mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland ay ku eedeynayeen. hada ka hor Turkigu wuxuu diiday oo xitaa uu ilaa hada diidan yahay inuu Raaligalin ka bixiyo Dagaalkii Armenia boqolaal sano ka hor waayo Armenia waxay ku eedeeyaan Turkiga inuu Xasuuq ka geystay Dalkooda, Marka hadii Turkigu Raali galin bixiyo, wuxuu qiranayaa Dambigaas, waana sababta ay u diidan yihiin raali galinta, Laakiin Villa Soomaaliya waxay Caawa qirteen Iney Rasaas ku fureen Dibad baxayaashii iyo Mucaaradka, Waxa hada la baarayo waa Yaa Amarkaas bixiyey iyo Yaa fuliyay.

Afhayeenka Villa Soomaaliya oo goor dhawayd ka hadlay Heshiiska, Wuxuu Qoraalkiisa kusoo koobay Mudaharaadka Jamcada qorshaysnaa oo Raysal wasaaruhu baajiyay, sababo Caafimaad iyo Amaan awgeed, Laakiin ma uusan shaacin Qodobadii kale ee lagu heshiiyay oo sababay inay Mucaaradku ay baajiyaan Mudaharaadka.

Puntlandi.com Muqdisho

F92F5087-9424-4ADB-A8A2-13D3F3810088-800

The post Xukuumadu waxay qirtay inay Dambi galeen 19.2.2021, Iyo in la baaro cida Amarka bixisay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this