Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka oo ilkaha kasiibay Villa Soomaaliya, kagana yeersiiyay Xaal baan ka bixinay wixii dhacay jamcadii

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada KMG ee Soomaaliya waxay garawsatay inay khalad ahayd wixii dhacay 19/2, Islamarkaasna ay ka xaalmarinayaan Musharixiinta, una tacsiyaynayaan Shacabkii ku waxyeeloobay. Isla markaasna waxaa Gudi loo saaray Baarista falkaas

Qododobkaan wuxuu muujinayaa in Xukuumadu ay qiratay falkii dhacay 19/2, 2021, waxayna guul u tahay Mucaaradka.

Dhinaca kalena waxaa la fuliyay qodobkii kowaad ee Puntland iyo Jubbaland ay ku xireen sii socodka Wadahadalka Doorashada, Qodobkasoo ahaa in Raaligalin laga bixiyo falkii lagulala kacay Mucaaradka 19 bishaan Feberaayo isla markaasna Gudi xaqiiqo raadin ah loo saaro.

Dhamaan Qodobada lagu heshiiyay waxay muujinayaan in Villa Soomaaliya looga adkaaday halgankii ay ugu jireen iney qabtaan Doorasho ay iyagu Maamuladaan ama waxay u muuqataa in Raysal wasaare Rooble la tusay inuu qaato kaalintiisa uuna ka faa’iideysto Wakhtiga yar ee harsan, uuna kasoo dego Doonta uu saaran yahay.

Shalay xogta aan haynay , Beesha Caalamku waxay Raysal waaaaraha u ku cadaadiyeen inuu kaalintiisa ka qaato Wadahadalada Doorashada, Uuna si dhab ah u matalo Xukuumada, Heshiiska caawa wuxuu u muuqdaa in Mudharixiintuna ay taladaasoo kale siiyeen,

Waakuwaan Qodobada lagu heshiiyay

Puntlandi-Breaking-news-center.jpg B074C6DC-04BC-4B43-9DAD-A7926271AF86-424 4F0E76EE-E125-43C4-B72E-ADDDB18712B4-800

The post Mucaaradka oo ilkaha kasiibay Villa Soomaaliya, kagana yeersiiyay Xaal baan ka bixinay wixii dhacay jamcadii appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this