Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16142805275730526.jpg?resize=720%

Kulan ay maanta yeesheen Ra’iisul Wasaare Roobe, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Midowga Musharaxiinta Muqdisho ayaa laga gaaray is-afgarad.

Kulanka ayaa looga hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay Muqdisho, mudaharaadka qorsheysan iyo arrimaha doorashooyinka, waxaana lagaga heshiiyay 5 qodob oo kala ah.

1. Dowladda Federaalka ayaa raaligelin ka bixisay rabshadihii dhacay 19 Febraayo, waxaana la isla gartay in guddi madax bannaan loo saaro sidii wax u dhaceen.

2. Dowladda Federaalka waxay ogolaatay bannaanbax nabdoon oo ay iyadu ammaanka sugto.

3. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa kawada shaqeynaya mudaharaadka nabdoon.

4. Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta waxay isla garteen in dib loo dhigo mudaharaadka jimcaha beriya qorsheysan.

5. Waxaa la isla gartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadaladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

FB_IMG_16142793519736574.jpg?resize=720% FB_IMG_16142793555974438.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Akhriso: Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this