Deeq A. Posted February 25, 2021 Kulankii caawa ugusoo gabagaboobay Musharixiinta iyo Qoorqoor iyo Rooble ayaa kusoo dhamaadey is afgarad hordhac ah. Qodobada lagu heshiiyay waxaa kamid ah in Mudaharaadkii labaajiyo, In Gudi loosaaro weerarkii lagu qaadey Mudharixiinta iyo taageerayaashooda 19/2 iyo in Wadahadalka Doorashada lasii wado. Heshiiskaan ayaa u muuqda in Xukuumada Wakhtigeedu dhamaadey ay garowsatay inuusan xaalku ahayn Xukunka oo la faranarooqsado. Heshiiskaan Uu Raysal wasaaruhu la gaaray Murashixiinta ayaa wuxuu soo dhaweynayaa in Musharixiintu ay saameyn ku yeeshaan Wadahadalada Doorashada, tasoo ay mudo dheer raadinayeen, dhanka kalena Beesha Caalamka oo ka dambaysay in kulankaan uu qabsoomo ayaa guul ka gaartay in Miis la isugu yimaado si loo xaliyo Khilaafka hortaagan Doorashada. Puntlandi.com Muqdisho The post Qoorqoor, Rooble iyo Mudharixiinta oo Qodobo ku heshiiyay appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites