Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: 63 sano jir laba Qoys isku haysteen oo midkood loo xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   
FORENSIC.png?resize=659%2C412&ssl=1Guddoomiyaha Forensic science-ka Puntland

Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmiya u shaacisay Natiijada ka soo baxday baaritaan ku saabsan Hidda-sidaha DNA (Deoxyribonucleic acid), oo lagu sameeyay nin da’diisu tahay 63-sano jir, kaas oo laba Qoys ku muransanaayeen.

Shaacinta Natiijada ka hor, ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa labada Qoys u bandhigay in ay aqbali doonaan Natiijada soo baxda, taas oo ay ballan-qaadeen.

Guddoomiyaha hay’adda Forensic science-ka dowladda Puntland Cabdirashiid Maxamed Shire oo gacanta ku hayay baaritaanka, ayaa shaaciyay labada Qoys midka uu la hiddo noqday ninka lagu muransanaa.

Labada Qoys midkood, oo uu wakiil ka-ahaa Cabdirisaaq Siciid Ismaaciil, ayuu la hidde nodqay ninkii lagu muransanaa, kadib markii la mariyay baaritaanka cilmiyaysan Forensic-ga.

Qoyska labaad, oo iyagana uu wakiil ka-ahaa Cali Axmed Aaden, islamarkaana sheeganayay ninkan magaciisa la qariyay, ayay isku hidde-noqon waayeen, sida ka soo baxday Natiijada.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: 63 sano jir laba Qoys isku haysteen oo midkood loo xukumay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this