Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda isgaarsiinta Somtel oo soo kordhisay adeegyo casri ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasbad lagu daah-furayey adeegyo cusub oo ay soo kordhisay shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

EDahab ChatBot iyo Safar ChatBot waa labo adeeg oo ka mid ah adeegyada cusub oo ay Somtel  ugu tala gashay qancinta macaamiisheeda kala duwan.

Somtel ayaa EDahab ChatBot ugu tala-gashay in macaamiisheeda iyaga oo isticmaalaya Whatsapp in ay ku iibasadaan badeecadaha Suuqa iyo adeegyada ay bixiso shirkadda.

SIood kale Safar ChatBot oo isna ka mid ah adeegyada cusub ee Somtel ayaa macaamiisha iyaga oo isticmaalaya Whatsapp-ka ay ku dalban karaan dhammaan adeegyada Safar Taxi.

Madaxa xafiiska suuq-geynta iyo xiriirka bulshada ee shirkadda Somtel, Mudanbe Axmed Ciise Xaaji ayaa sharraxay muhiimadda ay bulshada u leeyihiin adeegayadan cusub.

Sidoo kale wuxa uu tilmaamay in isticmaalka adeegyadan ay leeyihiin muhiimad gaar ah, islamarkaana loo baahanyahay in ay si wnaagsan uga faa’ideystaan dadka Soomaaliyeed.

Somtel ayaa ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala gudaha dalka, waxaana ay horey u keentay adeegyo kala duwan oo ay ka faa’iideysatay bulshada Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this