Deeq A. Posted February 25, 2021 Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen tuulooyin hoos-yimaada deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay Saraakiisha howl-galka horkaceysay ayaa waxa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay 4-ruux oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayeen shacabka. Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in howl-galka uu ka dambeeyay, kadib markii ay ciidamada heleen xog ku saabsan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee la qabtay. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Awdiiinle oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites