Deeq A. Posted February 25, 2021 Kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa gudaha dalkaas waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada ku nool dalkaas, iyagoo goobta ka baxsaday. Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cumar Salaad, waxaana xilliga la dilayay uu ku sugnaa Dukaankiisa oo ku yaal xaafadda Philibi ee Magaladda Cape Town. Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka kadib kooxaha burcadda ah ay marxuumka gacmaha iyo lugaha ka xireen, ugana dhex tageen dukankiisa. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee wadanka Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo kooban. Dilkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xilli xalay Booliska dalkaas ay sheegeen inay qabteen saddex burcad ah oo lagu tuhmayo dilka afar dhalinyaro oo Soomaaliah View the full article Share this post Link to post Share on other sites