Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Saleh Hamad Al-Suhaibani, oo ah wakiilka joogtada ah ee Sacuudi Carabiya u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ayaa Arbacadii la kulmay dhigiisa Soomaaliya Dr. Abdur Razzaq Sead Abdi sida ay uga wada hadlaan hormarinta Iskaashiga Ururka OIC.

Ergooyinku waxa Ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda maadaama OIC ujeedkeedu yahay in loogu adeego danaha Islaamka iyadoo ay caqabado badan ka taaganyihiin wadama Muslimiinta oo intooda badan wajahaya dagaalo iyo xasarado siyaasadeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay halka si wada jir ah wadamada Islaamka ay talaabo ugu qaadi karaan iyo sida ugu wanaagsan ee loogu adeegi karo OIC iyo 35-da hay’adood ee firfircoon iyo hay’adaha.

Cabdi ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay nabad waarta, xasillooni iyo horumar ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ku amaanay Boqortooyada Sucuudiga taageerada bini’aadanimo iyo deeqaha horumarineed ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Al-Suhaibani wuxuu sheegay in iskaashiga iyo isuduwidda iyo hormarinta wadamada Islaamka ay  mudnaanta koowaad siinayso dowladda Sacuudi Carabiya.

Ururka Iskaashiga Islaamka, oo horey u ahaa Ururka Shirka Islaamka, waa urur caalami ah oo la aasaasay 1969, kana kooban 57 dowladood oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo xaruntoodu tahay magaaladda Jidah ee dalka Sucuudiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this