Deeq A. Posted February 25, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo kulan dhanka Aaaladda Zoomka ah la yeeshay wakiilada beesha caalamka ayaa la wadaagay warbixino ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo doorashooyinka. Kulanka dhex-maray midowga musharraxiinta iyo beesha caalamka oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey & doorashooyinka. Musharraxiinta ayaa sidoo kale warqad ka kooban labo bog u diray wakiilada beesha caalamka, waxaana ku qornaa shuruudo adag oo ay soo bandhigeen mucaaradka. Qodobada ku xusan warqadda waxaa ka mid ah: – -1n baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hotelkii ay deganaayeen madaxweynayaashi hore & falkii lagu rasaaseeyay bannaan-baxayaashii ay hoggaaminayeen musharaxiinta mucaaradka ee Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho. -In madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku wareejiyo talada dalka Gole Qaran oo KMG ah. -In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro 3 qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray sida arrinta Somaliland iyo tan Gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka. -In la abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman. -In ay is-casilaan taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan Xoogga dalka, Sirdoonka iyo Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen weeraro ka dhan ah musharraxiinta -In shirarka soo socda lagu qabto goob amni ah, islamarkaana uu jiro dammaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya fulinta heshiisyada la gaaro. -In golaha musharaxiinta madaxweynaha ay si toos ah uga qeyb-qaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga . -In la dadajiyo doorashada, islamaraakana jadwalka lasoo saari doono uusan ka dheeraan muddo 60 cisho ah -In doorashada madaxweynaha lagu qabto isla goobtii ay ka dhacday Febraayo sanadkii 2017-kii. Share this post Link to post Share on other sites