Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka garowsaday in Madaxweyne Farmaajo uu la siman yahay Musharixiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha Caalamka ee kukala dhex jira Saamilayda Siyaasada ayaa tan iyo dhalay u muuqda inay garowdadeen in Madaxweyne Farmaajo uu Walhtigiisii dhamaadey, waxayna bilaabeen inay Arimaha Doorashada kala xaajoodaan Raysal wasaaraha.

Kulan shalay dhex maray Raysal wasaaraha iyo Beesha Caalamka ayaa Beesha Caalamku ay Raysal wasaaraha ku adkeeyeen in la joogo xiligii uu kaalintiisa muujin lahaa.

Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u sheegay in Beesha Caalamku ay Raysal wasaaraha u sheegeen in ay Arimaha Doorashada kala xaajoonayaa isaga io qura dhinaca Xukuumada, taas waxaa lagu macneeyey in Wakhtigii Farmaajo uu dhamaadey oo uj hada yahay mid kamida Mudharixiinta.

Wajigabax cusub ee Beesha Caalamku ay muujiyeen wuxuu soo dhaweynayaa Puntland iyo Jubbaland oo dhowr jeer isku dayay in Beesha Caalamku ay garowsadaan inuusan Madaxweyne Farmaajo ahayn Madaxweynaha Dalka Dastuuriyan.

Su’aashuse, Raysal wasaare Rooble Kaligii ma gaari karaa go’aamo masiiri ah isagoon dib ugu laaban Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey.

DC0634E9-5A44-44B9-B8B3-FFB87AC2F23E.jpe

The post Beesha Caalamka garowsaday in Madaxweyne Farmaajo uu la siman yahay Musharixiinta appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this