Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaanu Idiin Wadnaa Guddoomiyaha Soo Socda Ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq khaliif…” Guddoomiye Cirro

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ah Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Waddani, ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood.

Boqolaal dadweyne ah oo taageerayaasha Xisbiga Waddani, ayaa soo dhaweyn diiran ku qaabilay Murrashax Cabdirisaaq Khaliif oo u tartamaya Golaha Wakillada.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo la hadlayey Dadweynaha soo dhaweynta ka qayb galay ayaa sheegay in ay Cabdirisaaq Khaliif u wadaan Guddoomiyaha Wakiillada
“Waxaanu idiin wadnaa Guddoomiyaha Soo socda ee Golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq khaliif” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

FB_IMG_1614242260389.jpg FB_IMG_1614242256867.jpg FB_IMG_1614242251554.jpg FB_IMG_1614242244601.jpg FB_IMG_1614242239135.jpg IMG-20210225-WA0016-1024x683.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this