Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta kulan gaar ah la yeelanaya Midowga Murashixiinta Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa lagu wadaa in ay kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshaan maanta oo Khamiis ah.

Kulanka waxaa sidoo kale ku casuman Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweynaha, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Wararku waxay sheegayaan, in Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiintu ay ka wada-hadli doonaan xal u heliidda xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho, gaar ahaanna bannaanbaxyada laga cabsi qabo Jimcaha berri ah.

Midowga Murashixiinta ayaa dalbanaya Qodoba ay kamid yihiin in xukuumaddu raalli-gelin ka bixiso wixi dhacay Jimcihii hore iyo sidoo kale in door laga siiyo Shirarka ku saabsan Arrimaha Doorashada dalka.

Kulanka labada dhinac, oo aad isha loogu hayo ayaan weli faahfaahin badan laga helin Arrimaha hoose oo looga hadlayo.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta kulan gaar ah la yeelanaya Midowga Murashixiinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this