Deeq A. Posted February 25, 2021 Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas shalay laga maqlay duqayn xooggan, kadib markii diyaarad dagaal beegsatay xarun ay Al-shabaab leeyihiin. Duqaynta oo dhacday gelinkii dambe ee shalay, ayaa lala beegsaday xarun ciidan oo Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Buurta Kuumba oo qiyaastii 12km u jirta degmada Jamaame, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Warar hordhac ah ayaa xaqiijinaya, in duqaynta lagu burburiyay xaruntii la beegsaday oo Al-shabaab ku tababaran jireen malayshiyaadkooda, islamarkaana lagu dilay in ka badan 15 dagaallame oo kooxdaas ah. Duqaynta waxa fuliyay diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan weli Maraykanku ka hadlin. PUNTLAND POST The post Duqayn xooggan oo Al-shabaab lagula beegsaday Jamaame appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites