Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn khasaare geysatay oo ka dhacday gobolka Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa duqeyn gelinkii dambe ee shalay ka dhacday deegaanka buurtra Kuumba oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntaasi lagu burburiyey tababar oo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka buurtra Kuumba oo 12 KM u jira magaalada Jamaale

Duqeynta oo warar hordhac ah ay kasoo baxayaan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan illaa 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 43-aad.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in meydadka iyo dhaawacyada ka dhashay duqeyntaasi la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

 

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka cirka & khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this