Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamaame (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramayaa in gelinkii dambe ee shalay duqeyn diyaaradeed oo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca koonfurta Somalia.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday xarun lagu tababaro dagaalyahanada kooxdaasi oo ku taalla buurta Kuumba oo 12 KM ujirta Jamaame.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybtooda 43-aad ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo xilligaas ku sugnaa xerada tababarka ee duqeynta lala eegtay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in meydadka iyo dhaawacyada ka dhashay duqeyntaasi la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Weerarkan dhanka cirka ayaa iska kaashaaday ciidamada Xoogga iyo saaxibadooda caalamka, sida ay shaaciyeen saraakiisha ka warbixiyey howl-galkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this