Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Hoose ee Garoowe oo furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar laami oo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
1.png?resize=980%2C548&ssl=1

Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa shalay si rasmiya u daah-furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar waddo oo Laami ah, kuwaas oo laga hirgelinayo Caasimadda Garoowe.

Mashruucan Garoowe looga dhisayo Laamiyada cusub, waxa maal-gelinaya World Bank, waxaana fulin doonta Shirkaddii ku guulaysata Tartanka Qandaraaska ay furtay Dowladda Hoose.

Duqa Caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, oo hadal kooban ka jeediyay Furitaanka Qandaraaska, ayaa sheegay in loo geli doono tartan ku dhisan caddaalad, kaas oo aan cidna si gaar ah loogu naas-nuujin doonin.

Sidoo kale, wuxu sheegay in cid kasta oo ku qanci wayda natiijada ka soo baxda tartanka Qandaraaskan ay fursad u siin doonaan in ay soo gudbiso wixi cabasho ah, si baaritaan loogu sameeyo.

PUNTLAND POST

The post Dowlada Hoose ee Garoowe oo furtay Qandaraaska mashruuc lagu dhisayo afar laami oo cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this