Sign in to follow this  
Deeq A.

Baraha bulshada oo aad loogu qaada-dhigaayo Haweenka Sucuudiga oo loo ogolaaday ku biirista Ciidanka Militeriga+Shuruudaha lagu xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraha bulshada oo aad loogu qaada-dhigaayo Haweenka Sucuudiga oo loo ogolaaday ku biirista Ciidanka Militeriga+Shuruudaha lagu xidhay

saudi.jpg
Ciidamada Sucuudiga

Wasaaradda Gaashandhigga ee Sucuudiga ayaa shaaca ka qaadday in haweenka dalkaas ay ku biiri karaan militeriga, tallaabadaas oo hadal heyn ka dhalisay baraha bulshada.

Sida laga soo xigtay wargeyska dowladda, wasaaradda gaashaandhigga waxay shaacisay taariikhda la qaabilayo haweenka iyo ragga doonaya inay kusoo biiraan militeriga Sucuudiga.

#Saudiwomen can now apply for enlistment in the Kingdom’s armed forces through a unified admission portal for men and women https://t.co/bYDsms3D1x#saudiwomenempowerment pic.twitter.com/LmRlFxkkSZ

— Arab News (@arabnews) February 20, 2021

Qeybaha kala duwan ee ciidamada ay ku biiri karaan haweenka

  • Ciidamada lugta
  • Ciidamada cirka
  • Ciidamada badda
  • Ciidamada boqortooyada u qaabilsan gantaallada
  • Ciidamada militeriga u qaabilsan arrimaha caafimaadka

Shuruuradaha laga doonayo iney buuxiyaan dumarka ku biirayo militeriga Sucuudiga

  • Waa in haweeneyda ay tahay muwaadin u dhashay Sucuudiga.
  • Waa in dhaqan wanaagsan ay leedahay oo aanay wax dambi ah gelin.
  • Waa in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay.
  • Wa in aysan ahayn marwo uu dhaxda qof aan Sucuudiga u dhalan.

Ka shaqeynta horumarka haweenka

Go’aanka kasoo baxaay Sucuudiga ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dad badan.

🔴 عاجل ورسمياً

فتح باب التسجيل للمرأة السعودية للأنضمام للجيش السعودي💪🏻🇸🇦

مشينا يابنات🏃🏻‍♀️🏃🏻‍♀️🏃🏻‍♀️ 👩🏻‍✈️👮🏻‍♀️ pic.twitter.com/MYgsLALH5F

— Alanoud G20 (🇸🇦بنت الوطن) (@AlrougiG20) February 22, 2021

Dadka qaar waxay sheegayaan in go’aanka ay dan ugu jirto haweenka maadama uu horumarkooda ka shaqeynayo.

Haween badan oo ku sugan Sucuudiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku biiraan militeriga.

رسميًا: أصبحت المرأة السعودية الآن قادرة على الانضمام إلى الجيش. pic.twitter.com/LlcStLBDKw

— Screen Mix (@ScreenMix) February 22, 2021

Halka dadka qaar ee isticmaala barta Twitter-ka ay ku tilmaameen dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan “in uu u ololeynayo xuquuqda haweenka”

Ibraahim Al Muniif oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in arrinta ku saabsan in haweenka ay ku biiraan militeriga aysan ku cusbeyn Sucuudiga iyo taariikhda Islaamka.

عمل المرأة في الجيش أمر غير مستنكر الا في الفكر الصحوي!
أما في..
*التاريخ الاسلامي:
الصحابيات (ام عمارة و رفيدة الاسلمية) شاركن في المعارك وحملن السلاح
*التاريخ السعودي:
البطلة (غالية البقمية) حملت السلاح وقاتلت وهزمت جيوش الترك
❌لا يستنكر عمل النساء في الجيش الا جاهل او متخلف❌ pic.twitter.com/wOzbq0KMJ5

— Ebrahim AlMunif (@altamimi14) February 22, 2021

Halka qaarkood ay sheegayaan “in difaacidda dhulka hooyo uu waajib ka saaran yahay qof kasta”

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa meesha ka saaray dhowr xayiraad oo haweenka dalkaasi saarnaa, arrimaha ugu weyn ee uu ku tallaabsaday waxaa kamid in haweenka Sucuudiga loo ogolaado inay baabuurta kaxeyn karaan.

Sannadkii 2016-kii, waxaa uu shaaca ka qaaday qorsheyaal uu isbaddallo dhaqaale uga hirgelinayo dalkaas hiigsiga sannadka 2030-ka, kaas oo uga golleeyahay in haweenka boqolkiiba 30 ay ka qeyb qaataan barnaamijyada horumarka ee Sacuudi Carabiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this