Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ka cusub dadaalladii laga dhex-waday Rooble iyo Mucaaradka iyo 3 shuruud oo adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hor dhac ah ayaa laga helayaa waan-waanta laga dhexwado golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble oo xukuumadiisu si cad u diiday banaanbaxyo uu iclaamiyey goluhu.

Ilo ku dhow dhow xubnaha Ergada waan-waanta ka dhex wada Ra’iisul Wasaaraha iyo Murashaxiinta Mucaaradka ayaa sheegaya inay rajo wanaagsan ka qabaan dadaaladooda oo aysan weli ka quusan u kala dab qaadidida labada dhinac.

Musharaxiinta ayaa soo gudbiyay seddax qodob oo ay shuruud uga dhigeen kulan uu la yeesho Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle.

Qodobadan ay musharaxiintu ku xireen la kulanka madaxdaas ayaa kala ah:

1- in la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.

2- in bannaan baxa la ogolaado.

3- in shirarka wadatashiga Qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Sida ay sheegayaan xogaha aan heleyno waxaa la rumeysan yahay in dhanka Ra’iisul Wasaaraha ay wax ka dhowyihiin, balse culeys laga soo saarayo dhanka xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Madaxtooyadu waxay Rooble uga duwantahay siiqada loo dhigay, qodobada qaar ee Musharaxiintu soo gudbiyeen.

Golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa mar kale ku celiyey in banaanbaxa ay dhigayaan Jimcaha soo socda, iyagoo sharci darro aysan aqbali doonin ku tilmaamay go’aankii ay shalay xukuumadda xil-gaarsiintu ku sheegtay in wax banaanbax ah aan Muqdisho lagu qaban karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this