Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo cadeeyay in DF ay sheegatay Mashruuc aysan waxba kala socon

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland Cabdulqaadir Xaange ayaa sheegay in Wasaarada Qorsheynta ee Dowlada Federaalku ay ka been sheegtay ayna Been tahay inay wax lug ah ku leedahay Mashruuca Dhismaha Wadada Gaalkacyo Garowe qayb kamid ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in Mashruucaan bilow ilaa hada ay gacanta ku heysay Puntland, ayna iyagu Bilow ilaa hada keensadeen Mashruuca Wax shaqo ahna aysan ku lahayn Dowlada Dhexe, Wasiirku wuxuu sheegay in Mashruucaan ay Dadaal dheer u gashay Puntland sidii dib loogusoo celin lahaa,

Xukuumadii Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Mashruucaan la hakiyay kadib markii looga shakiyay dib isdaba maryayn, Laakiin Dadaal dheer oo ay Xukuumada Puntland u gashay kadib waa lasoo celiyey, Intii howshaas socotayna wax saameyn ah kuma lahayn Dowlada Dhexe.

Wasiirku waxayay sheegay inuu aad ula yaabay sheegashada ay sheeganayaan, ayna Been tahay sheegashadaas.

Wasarada Qorsheynta Dowlada Federaalka ayaa maalmahaan Baahinaysay inay Puntland ka fulinayaan Mashruuca Dhismaha wada Isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo.

Waxaa jira Siyaasiyiin Reer Puntland ah oo Qayb ka ah buunbuuninta Been abuurkaan kuwasoo baajiyay in Dowlada Dhexe ay fulinayso Mashruucaan,

Puntlandi.com Garowe

3D352A3C-EFFB-4B5A-A086-CCBE27408D75-667 A33E4394-EFD1-438F-B2E6-867A1E5C4402-667 80303BDA-1BDC-4BB1-B274-BAB78DDED211.jpe 31C90AEC-A3F6-4683-BA03-52D6286F0225-649

The post Wasiirka Qorsheynta Puntland oo cadeeyay in DF ay sheegatay Mashruuc aysan waxba kala socon appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this