Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qaabishay in ka badan 160 Qoys oo Qaxooti ka soo cararay Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaxooti.jpg?resize=1000%2C750&ssl=1

Qaxooti ka kooban Soomaali iyo Yemenyihiin, oo ka soo cararay colaadda ka aloosan waddanka Yemen, ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha, ayaa Boosaaso ku qaabilay doonnida siday Qaxootigaas oo gaaraya 164 Qoys, kuwaas oo u badan Haween iyo Carruur, sida lagu sheegay Qoraaal ka soo baxay Wasaaradda.

Qaxootiga ka soo carara dalka Yemen, oo isu’gu jira Soomaali iyo Yemeniyiin, ayaa lagu diiwaan-geliya xarun qaabilsan Qaxootiga oo ku taalla gudaha Boosaaso, ka hor inta aan dib u dejin loo samayn.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo qaabishay in ka badan 160 Qoys oo Qaxooti ka soo cararay Yemen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this