Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo beesha caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta magaalad Muqdisho kulan kula qaatay saaxibadda beesha caalamka ee daneeya dalka Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka ay halkaasi isku dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka.

“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan dooda ka taagan arrimaha doorashooyinka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this