Deeq A. Posted February 24, 2021 Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta magaalad Muqdisho kulan kula qaatay saaxibadda beesha caalamka ee daneeya dalka Soomaaliya. Kulankaasi waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka ay halkaasi isku dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka. “Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan dooda ka taagan arrimaha doorashooyinka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble. View the full article Share this post Link to post Share on other sites