Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo hakisay qabashada codsiyada baasaboorka + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda ayaa gebi ahaan si kumeel gaar ah loogu hakiyay qabashada codsiyada baasaboorka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo la ogeysiiyay dhammaan shacabka ayaa sababta go’aankaas lagu sheegay khatarta Coronavirus.

“Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe aya lagu yiri” Qoraalka Hay’adda.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay si tartiib tartiib ah u qaadeysay tallaabooyin looga hortagayo faafitanka cudurka COVID-19 oo kiisas badan laga helay Soomaaliya dad badan oo Caan ahaana ugu geeriyoodeen Magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this