Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi caan ah oo ku baaqay in laga wada-shaqeeyo amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Cabdullahi Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda ammaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Siyaasiga Siciid Cabdullahi oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay in amniga yahay mid guud oo loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay muxaafad, mucaarad iyo shacabkaba, in loo wada istaago ka shaqeynta amniga, si loogu garab siiyo ciidamada ammaanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo dalku ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana magaalada Muqdisho ay wajaheyso xaalad adag oo dhanka amniga ah, waxaana muddooyinkii dambe sii kordhayey falalka ammaan ee dari ee ka dhacaya caasimadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this