Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan jiida hore ee magaalada Bacaadweyne, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay ciidanka Guutada 13-aad, qeybta 21-aad ee ka howl-gala deegaanada maamulka Galmudug.

Cabdulle Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani) ayaa sheegay in uu Al-Shabaab u iskaga soo baxay, uuna isku soo dhiibay ciidamadda Xooga dalka.

Sidoo kale Cabdiqani ayaa sheegay in uu kasoo dagaallamay gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya, wuxuuna Al-Shabaab u qaabbilsanaa hoggaaminta qayb ka mid ah jabhaadka geysta weerarada ay fuliyaan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidanka Xoooga dalka ayaa sheegay in Cabdiqani uu xiriir la soo sameeyay ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay in uu isku soo dhiibo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this