Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay kawada hadleen Rooble iyo Beesha Caalamka?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16141680530683775.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay wafdi ka socda Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa looga hadlay xal u helidda muranka arrimaha doorashooyinka iyo dhowrista xasilloonida guud ee dalka.

“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda iyo dhowrista xasilloonida guud ee dalka” ayuu ku yiri Rooble bayaan uu ka soo saaray kulanka.

Wafdi Beesha Caalamka ee la kulmay Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa hoggaaminayay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Sidaan oo kale wafdi Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, iyagoo kala hadlay xal u helidda muranka doorashooyinka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Maxay kawada hadleen Rooble iyo Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this