Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News— Puntland oo sheegay in la badalo Taliyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka, Gudina loo saaro Dhacdadii 19 Feb.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal dheer oo Dowlada Puntaland ay uga hadlayeen udiyaargarawga Doorashada iyo meesha Puntland ka taagantahay ayaa lagu xusay in si deg deg ah loo badalo dhamaan Hogaamiyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka uuna u horeeyo Taliyaha Nabad Sugida.

Puntland waxay soo jeedisay oo kale in la magacaabo Gudi xaqiiqo raadis ah oo baaritaan ku sameeyo Dhacdadii lagu xabadeeyay Shacabkii Mudaharaadayay iyo Murashixiinta Jamcadii 19 feberaayo,

Puntland waxay kaloo dalbatay in dhamaan La laalo sharciyadii ay Ansixiyeen Baarlamaanku wixii ka dambeeyay bishii Decembar 2020.

Puntland waxay kaloo sheegtay in Wadahadalada Doorashada ay kasoo qaybgalayaan dhamaan Saamilayda Siyaasda ayna qayb ka noqdaan Ururada Bulshada Rayidka ah.

Puntlandi.com Garowe

Puntlandi-Breaking-news-center.jpg

The post Breaking News— Puntland oo sheegay in la badalo Taliyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka, Gudina loo saaro Dhacdadii 19 Feb. appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this