Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddoomiyihii gobolka Sanaag oo xilkii laga qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali.

Wareegto uu caawa soo saaray madaxweyne Deni ayaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag.

  • FB_IMG_16141034078325626.jpg?resize=491%Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag

Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa guddoomiyiihii hore ee gobolkaas Cali Xuseen Soomaali u magacaabay la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa saacado ka hor xilkii ka qaaday taliyihii qaybta Booliska gobolka Sanaag, isagoo xilkaas u magacaabay G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Guddoomiyihii gobolka Sanaag oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this