Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay weerarada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay weerarada ay fuliyaan dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab oo u muuqda kuwa kordhay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Somaaliya, James Swan ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee in dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho iyo sidoo kal qeybo kale oo ka mid dalka

 James Swan ayaa sidoo kal xusay in Al-Shabaab ay weeraradooda u adeegsadaan qaraxyo, kuwaasi oo intooda badan lagu beegsado goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha.

Ugu dambeyn Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay khatar ku yihiin amniga guud ahaan Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this