Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay shir dhowaan guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ku simaha Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Joe Biden in ay aaminsan tahay tallooyinkii ka soo baxay shirkii dhowana ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in talooyinkii ka soo baxay shirkaasi uu yihiin kuwa xal u noqon kara jahwareerka ka taagan arimaha doorashooyinka ee 2021-ka, isagaoo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxda dowladda dhexe & kuwa maamul goboleedyada inay dhagan geliyaan talooyinkii  shirkii guddiga farsamada arimahaee doorashooyinka.

Si kastaba, ku sime Richard Mills ayaa shaaca ka qaaday in dowladdaMareykanka aysan marnaba aqbli doonin in la qabto doorasho aan loo dhameyn.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this