Deeq A. Posted February 23, 2021 Wakiillo ka socda saaxiibbada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo, taas oo qeyb ka ah dadaalka socda ee lagu doonayo in la hirgeliyo heshiiskii 17-kii September lagu galay shirkii ay yeesheen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed. Saraakiisha Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay Kismaayo u tageen si ay faham dheeraad ah uga helaan arrimaha ay ka walaacsan yihiin mas’uuliyiinta Jubalanad iyo sida horay loogu sii wadi karo hannaanka doorashada. Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka baaqday shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha dowladda federaalka iyo inta badan madaxda maamul goboleedyada. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagana ku gacan seyray shirkaas. View the full article Share this post Link to post Share on other sites