Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Tacadigii Loo Geystay Weriye Hoodo Garays

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo u taagan ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta waxa uu ka digayaa in saxafiyiinta lagula kaco talaabo kasta oo u ekaanaysa inay baal marsan tahay shuruucda dalka ee xoriyaadka siinaya saxfiyiinta si la siman muwaadiniinta kale ee Somaliland.
Sidaa daradeed, Ururka Saxafiyiinta Somaliland waxa uu ku baaqayaa in arinka Wariye Hoodo Garays oo cabasho ka muujisay sida loogula dhaqmay Saldhiga Qudhac-dheer ay hay’adaha sharciga ee arintaasi khusaysaa ay u baadhaan si ay madaxbanaani iyo cadaaladi ku dheehan tahay si loo ogaado saxnimada dhacdadaasi.
Waxaan ku baaqaynaa in la ixtiraamo xaqa iyo xuquuqaha dastuurka Somaliland u damaanad qaaday Saxafiyiinta.

Sakariye Axmed Muxumed
Gudoomiyaha Ururka SOLJA

FB_IMG_1614093287017.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this