Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubaland oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
Madoobe-1.jpg?resize=960%2C530&ssl=1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer caalami ah oo uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Wefdiga waxa kamid ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga.

Masuuliyiintan ayaa yeeshay kulamo miro dhal ah iyadoo sidoo kale hab maqal Iyo muuqaal ah ay kaga qeyb galeen Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray xaaladahii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo arrimaha Doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubaland oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this