Deeq A. Posted February 23, 2021 Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ayaa sheegaya in goordhaw uu saldhigga degmada uu ka dhacay qarax xoogaan . Qaraxana ayaa inta badan laga maqlay dhawaqiisa degmooyinka Gobalka banaadir waxaana wararku ay sheegayaan in uu yahay qof watay jaakad laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa . Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay ku daba jireen shaqsiga is qaraxiyay , taas oo keentay in uu khasaaraha yaaraado , sida ay illa ka agdhaw goobta uu qaraxa ka dhacay ay inoo sheegeen . Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa ka dhacay degmada Xamar weeyne. Wixii ku soo kordha warkan kala soco GoobJoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites