Deeq A. Posted February 23, 2021 Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay gudaha degmada Xamarweyne eee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid is-miidaamin ah, kaas oo uu fuliyey qof isku xiray walxaha qaraxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka saldhigga Booliiska degmadaasi. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites