Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay Xamarweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo barqanimadii ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, Cali Yare oo qoraal soo saaray ayaa faah faahim dheeraad ah ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen.

Ugu horey Cali Yare ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen ninka qaraxa waday, kadibna uu cararay, isaga oo iska tuuray suunka, kaas ku qarxay meel cidlo ah.

“Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciidamadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tuuray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ayuu ku qarxay suunkii,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir.

Cali Yare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in qaraxan uu ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay qof laga shakinsanyahay oo ay qabteen ciidamada ammaanka qaraxa, kadib.

“Hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay. Qof laga shakinsanyahay ayaa gacanta lagu hayaa.Aad ayaan ugu Mahadnaqeynaa ciidanka Amniga,” ayuu sii raaciyey.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal & qaraxyo kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this