Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Shir Albaabadu u Xidhan Yihiin La Yeeshay Wufuud ka Socota 8 Safaaradood Booqasho Ku Yimid Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Madax kale oo Xisbiga ka tirsan’ayaa hada Xafiiska xarunta dhexe ee UCID uu Hargeysa ku leeyahay ku qaabilay isla markaana Shir gaar ah kula qaadanaya Madax ka socota Waddamadda Beesha Caalamka ah gaar ahaan Qunsuliyaddaha 8 Safaaraddood oo Waddamadda reer Galbeedka ee Daneeyayaasha Arimaha Doorashooyinka iyo Dumquraadiyadda Somaliland ka taageera oo Hargeysa u yimid arimaha Diyaar garoowga Doorashooyinka Soo socda inay Xukuumadda Somaliland iyo Axsaabta qaranka kala Xaajoodaan in wixii qabyo ah la dhamaystiro gaar ahaan waxa kulankani daaran yahay arimaha Saamiga Doorashooyinka ee Beelaha la Haybsoco iyo Kootadda Haweenka ee Doorashooyinka.

Wufuuddan 8da Safaaraddood ee Waddamadda Beesha Caalamka ee Somaliland Arimaha doorashooyinka Iyo Dumquraadiyadda ka taageera ee Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe uu Xafiiskiisa Saaka ku qaabilay kulana shiraayo’ ayaa kala ah’ Safiiradda Waddamo ay ka mid yihiin UK , Germany, Sweden, Denmark, EU, UN, AU.

Waxaana Shirkani Madaxda Beesha Caalamka iyo Hoggamiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay whwliyaan Hogaanka sare ee Xisbiga UCID, Qaar ka mid ah musharaxiinta Xisbiga iyo Garabka Haweenka ee Xisbiga UCID uu ka socda Xarunta dhexe ee UCID Hargeysa ku leeyahay.

FB_IMG_1614070625309.jpg FB_IMG_1614070618930.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this