Sign in to follow this  
Deeq A.

96 Maalmood Oo Ka Hadhay Maalinta Doorashada, Tirada Murrashaxiinta Saddexda Xisbi Ee 23 Degmo Doorasho, Kuraasta Ay U Tartamayaan Iyo Caddadka Cashuurta Dawladdu Ka Qaadayso

Recommended Posts

Deeq A.   

993 Murrashax Oo U Tartamaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka Iyo Wakiillada

96 maalmood ayaa ka hadhsan maalinta ay Komishanka doorashooyinka u asteeyeen in ay Somaliland ka qabsoonto doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo markii u

horreysay hal mar la wada qabanayo.

Doorashadan oo qaban qaabadeeda iyo u diyaargarowgeedu si weyn uga socdo guud ahaan Somaliland, ayaa waxa maalmihii u dambasay socday in ay Xisbiyadu soo bandhigaan Murrashaxiinta Xisbiyadooda uga tartami doona 23 Degmo doorasho oo ay Somaliland ka kooban tahay, oo la filayo in la geeyo Sanaaduuqda codbixinta.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Murrashaxiintu bilaabaan buuxinta Shuruudaha Xeerka Guud ee Doorashooyinka ee 91/2020 waajibiyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin bixinta lacagta Deebaajiga ah, shahaadooyinkooda waxbarasho oo iyaga maanta si rasmi ah loo bilaabayo hubintooda iyo weliba in ay murrashaxiintu la yimaadaan Waraaqadaha dembi la’aanta iyo ta caafimaadka.Doorashadan ayaa wax aka qayb galaya 993 murrashax oo ka tirsan Saddexda Xisbi Qaran,kuwaas oo ka sharaxan 23 Degmo oo hoos yimaada Lixda Gobol ee Somaliland.

Aqoonyahan Yaasiin Calase, oo lafo gur kooban ku sameeyey tirade Murrashaxiinta Degmooyinka dalka iyo weliba dhaqaalaha laga qaadayo oo ku dhow laba Milyan oo dollarka Mareykanka ah, ayaa waxa uu qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga, waxa uu ku yidhi: “23 Degmo doorasho ee dalka waxa ka sharaxa 747 xubnood oo u tartamaya 249 kursi oo golayaasha deeganka ee 23 degmo. Sidoo kale lixda gobol ee dalka waxa u sharaxan kuraasta golaha wakiiladda 246 xildhibaan oo u tartamaya ku guulaysashadda 82 kursi ee wakiiladda. Iyaga oo ka sharaxan saddexda xisbi qaran.”

Murrashaxiintan, tiradoodu gaadhayso 993 Murrashax ayaa waxa Xeerka Doorashooyinku ku waajibiyey in ay bixiyaan lacag cashuur ah, oo kala duwan marka la eego Murrashaxa

Golaha Wakiillada iyo ka u sharaxan Golaha Deegaanka. Murrashaxa Golaha Wakiillada ayaa shubaya lacag gaadhaysa 40,000, 000, oo lacagta Somaliland ah, halka Murrashax

Golaha Deegaanka ee u tartamaya degmada A ah, uu bixinayo lacag gaadhaysa15,000,000, halka ka Degmada B ahna shubayo 7, 000, 000 iyo Murrashax Degmada C ah oo bixinaya, isaguna 4,000, 000. Lacagtan guud ahaan laga shubayo Murrashaxiinta tartamaya ee saddexda Xisbi ee Xeerku jideeyey, ayaa gaadhaysa 1, 936, 245, 29 oo dollarka Mareykanka ah. Shaxdan Hoos ku qoran oo ah isugu geynta  cashuurta laga qaadayo murrashaxiinta Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, ayaa waxa diyaariyey Yaasiin Calase.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this