Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo gaaray magaalada Kismaayo iyo kulan uu la leeyahay Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dagay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Xubno ka tirsan xukuumadda Axmed Madoobe ayaa wafdigaan beesha caalamka ka socda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo iyadoo loo galbiyay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

Safarka James Swan oo horay loo sii ogaa ayaa lagu sheegay inuu kulan la qaadan doono madaxweynaha dowlad goboledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), wuxuuna kala hadli doonaa arrimaha ka taagan khilaafka doorashada.

Beesha caalamka ayaa dooneysa in xal dhaqso ah laga gaaro arrimaha ku hareereysan doorashada ee wali la isku mari la’yahay, waxeyna dooneysaa iney shir isugu keento dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah si heshiis looga gaaro doorashada dalka.

Axmed Madoobe isagoo la safan Saciid Deni oo maamula Puntland waxey iska diideen iney kasoo qeyb galaan shir uu ku dhawaaqay sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay kadib shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho walaac ka muujiyeen xaaladda dalka iyo sida la isugu halleyn karo ammaanka.

Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland waxey ku doodeen in lagu qabto shirka meel amnigeeda la isku halleyn karo, sidoo kalana la helo in beesha caalamka ay damaanad qaadi karto fulinta wax walba oo lagu heshiiyo.

Kulanka James Swan iyo Axmed Madoobe ayaa socda, waxaana isha lagu wada hayaa waxyaabaha kasoo bixi doona oo ay labada dhinacba ka hadli doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this