Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiir lagu caleema-saaray magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20210223-WA0004.jpg?resize=1000%2C66

Magaalada Boosaaso waxa lagu caleema-saaray Amiirka Beesha Cawlyahan ee Beelweynta Cabdirixiin Ibraahim Amiir Cabdiraxmaan Xaaji Cumar Faarax.

Munaasabadda Caleema-saarka waxa ka qayb-galay dhaaman cuqaasha iyo wax garadka beesha iyo sidoo kale Hoggaanka dhaqanka Gobolka Bari, kuwaas oo ay kamid yihiin Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin iyo suldaan Daahir Ilka Dahab.

Sidoo kale, waxa ka qayb-galay mas’uuliyiinta degmada Boosaaso, oo u horreeyo duqa degmada Cabdisalaan Bashiir iyo Saraakiisha Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Waxgarad, Culimaa’udiin, Haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Halkan ka daawo Sawirada

IMG-20210223-WA0002.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20210223-WA0004.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20210223-WA0009.jpg?resize=720%2C408 IMG-20210223-WA0001.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20210223-WA0010.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20210223-WA0011.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20210223-WA0015.jpg?resize=1000%2C66 IMG-20210223-WA0030.jpg?resize=1000%2C66

PUNTLAND POST

The post Amiir lagu caleema-saaray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this