Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Muqdisho oo fashiliyay Qarax ismiidaamin ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaanna degmada Xamarweyne.

Wararku waxay sheegayaan, in nin wata suunka qarxa oo doonayay in uu qarax ismiidaamin ah fuliyo, ay Booliisku ka shakiyeen, kadibna cayrsadeen.

Qofka doonayay in uu ismiidaamiyo, ayaa la xaqiijiyay in uu Suunka Qarax tuuray kadib markii uu arkay in uusan ka fakan Karin Booliiska.

Suunka oo meel cidlo ah ku qaraxay, islamarkaana lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Sidoo kale, waxa gacanta lagu dhigay qofka laga shakisanyahay ee sitay suunka Qarxa, kaas oo haatan baaritaan ku socdo.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Muqdisho oo fashiliyay Qarax ismiidaamin ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this